Wednesday, July 9, 2025
HomeAll NewsDagaallo Khasaare Nafeed Dhaliyay oo Dhexmaray Ciidanka Itoobiya iyo Maleeshiyaadka FANO.

Dagaallo Khasaare Nafeed Dhaliyay oo Dhexmaray Ciidanka Itoobiya iyo Maleeshiyaadka FANO.

Waxaa wali gobollo katirsan ismaamulka Amxraada ka socda dagaallo fool ka fool ah oo ay isaga hor imaanayaan askarta Itoobiya iyo malleeshiyada FANO ee ka dagaallanta halkaasi.

Dagaalladan waxaa barbar socda duqeymo dhanka cirka ah oo ay geysaneyso Dowladda Itoobiya, kuwaasoo ay kooxda FANO ku eedeysay xukuumadda Abiy Axmad iney ku xasuuqday dad shacab ah iyo baadariyaal Nasaaro ah.

meelaha ay dhawaan dagaalladu ka dhaceen waxaa kamid ah degmada Mekensilaam ee dhacda Galbeedka gobolka Wallo, waxayna weerarkaasi kooxdu la beegsatay saldhig ay ciidanka Itoobiya ku leeyihiin halkaasi.

Dagaalkaasi waxaa ka dhashay khasaare soo kala gaaray labada dhinac, iyadoo FANO ay sheegtay iney ciidamo badan oo katirsan dowladda Itoobiya ugu daaten xeryahooda.

Halkaan ka Degso Warka Itoobiya

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.