Saacadihii lasoo dhaafay waxaa dagaallo xoogan ay ka dheceen qeybo kamid ah ismaamulka Amxaarada, kaasoo dhexmaraya ciidamada milliteriga Itoobiya iyo kuwa kooxda FANO, oo ah malleeshiyaad kasoo jeeda gobolkaas, oo kasoo horjeeda xukuumadda uu hogaamiyo Abiy Axmed.
Dagaallada xoogooda ayaa ka dhacay wadada weyn ee xiriirisa magaalooyinka Debra Tabor iyo Nefas Muwicha oo katirsan gobolka Amxaarada, waxaana lagu soo waramayaa in jab lixaad leh lagu gaarsiiyay ciidanka milliteriga Itoobiya.
Warbaahinta ka howlgasha gobolka ee soo tabisa wararka dagaallada halkaasi ku dhexmaraya ciidamada Itoobiya iyo kooxda Fano ayaa shaacisay, in ciidamada milliteriga Itoobiya dagaallada ay ku galeen dhimasho iyo dhaawac kaga noqdeen tobanaan askari.
Ciidanka Itoobiya oo dagaalka looga gacan sareeyay ayaa ku qasbanaaday in aagga dagaalka ay geeyeen gurmad horleh, illaa labo guuto oo ciidan ayaana la sheegay iney xilligan ku suganyihiin mandiqadda lagu dagaallamay, ayna suurogal tahay in markale qarxaan dagaallo waaweyn.
Kooxda Fano ayaa la sheegay in dagaallada dhacay ay ku furteen saanado hub ah iyo agabyo ciidan oo kala duwan.
Dagaalka Itoobiya ayaa u muuqda mid sii fidaya islamarkaana ay adagtahay in lasoo afjaro, dhinacyada dagaallamaya ayaana mid weliba wuxuu u heellanyahay inuu jab gaarsiiyo cadowgiisa, sida muuqatana ciidamada Itoobiya ayaa wajahaya dagaallo jabhadeyn ah oo uga imaanaya malleeshiyaadka hubeysan ee diidan maamulka Abiy Axmed.