Dalka Peru ee dhaca Galbeedka qaaradda Laatiin Ameerika ayaa waxaa laga soo sheegayaa, in dad maal mihii lasoo dhaafay laga afduubtay dalkaas la helay maydadkood, iyagoo dhamaantood lagu xasuuqay halgoob.
Dadkaan oo gaaraya illaa 13 qof ayaa Meydadkooda Axaddii laga helay meel laga qoda dahabka oo ku taalla dalkaas, kadib markii maalmihii lasoo dhaafay laga afduubay magaalada Baataas oo dhacda waqooyiga buuralayda ah ee dalkaas, sida ay sheegtay Shirkad lagu magacaabo Laa Buudiruusaa oo qaabilsan qodista macdan kana hawlgasha dalkaaas.
Dadkaan la xasuuqay ayaana u shaqaynayay shirkad xiriir la leh shirkadda Laa Buudiruusa, oo ah shirkad weyn oo ku jirta suuqa kala iibsiga dahabka ee dalkaas, taasoo bilihii la soo dhaafay ay bartilmaameedsadeen kooxo hubeysan oo ku howlan qodista dahabka sharci darrada ah.
War qoraal ah oo ay soo saartay shirkadaan subaxnimadii hore ee maanta ayaa lagu yiri, “baaritaano xoogan kadib waxay booliiska soo saareen maydadka 13 shaqaale ah oo la afduubay, kuwaas oo ay qafaasheen dad dahabka qoda oo gacan saar la lahaa kooxo dambiilayaal ah”.
Iyadoo intaas ku dartay, in weerarkani uusan ahayn kii ugu horeeyay ee noociisa ah, Isla godka maydadkaas laga helayna bishii Diseembar ee sanadkii hore lagu dilay dad gaaraya 9 ruux, halka lagu dhaawacay 15 kale.
Waxaa xaalad deg-deg ah looga dhawaaqay magaalada Baataas ee laga afduubtay dadkaas, taas oo qiyaastii 900 oo kilomitir u jirta magaalada caasimadda u ah Biiroo ee Limaa, sababo la xiriira rabshadaha sii kordhaya ee salka ku hay qodista macdanta dahabka.
Duqa magaaladaas, ninka lagu magacaabo Alduu Kaaraluus, ayaa ku dhawaaqay, inuu doonayo inuu la kulmo maanta oo Isniin ah madaxweynaha dalkaas si uu ugala hadlo xal u helida xaaladdan.
Intii u dhaxaysay 2013-kii illaa 2023-kii, wakaaladda sirdoonka ee Biiroo ayaa diiwaangelisay, in dahab lagu qiyaasay Balaayiin Doollar ay ka macasheen kooxa sida sharci darrada ah dahabka ugala baxa dalkaas. Iyadoo intaasi lagi darayo in dalkani ay ku soo kordhayaan rabshado, dambiyo dil gaarsiisan, iyo baad ka dhan ah hantida dalkaas, taasoo keentay in mas’uuliyiinta ay dhowr gobol uga dhawaaqaan xaalad degdeg ah.