Dhulgariir cabirkiisa lagu qiyaasay 5.6 daraja ayaa maanta ku dhuftay xeebaha koonfureed ee dalka Miyanmaar ee dhaca qaaradda Aasiya, kaasoo walaac ku abuuray dadka deegaanka, gaar ahaan meelaha weli kasoo kabanaya dhul-gariirkii dhawaan ku dhuftay dalkaasi.
Xarunta la socoshada dhul-gariirrada ee Yurub ayaa sheegtay, in dhul-gariirku uu ka dhacay meel 35 kilomitir ka hoosaysa oogada dhulka, iyadoo xustay, in illaa iyo hadda aan la helin tafaasiil ku saabsan khasaaraha nafeed iyo midka hantiyeed ee ka dhashay.
Dhulgariirkan ayaa ku soo beegmay xilli xasaasi ah, iyadoo dadaallada samata bixinta iyo dib u dhiska ay ka socdaan qaar kamida gobollada dalkaas, kuwaas oo dhawaan ay ku dhufteen dhul-gariirra xooggan, iyadoo ay jiraan caqabado waaweyn oo ay wajahayaan kooxaha gargaarka, gaar ahaan roobabka ka da,aya dalkaas oo caqabad ku ah howlaha samatabbixinta iyo in gaargaar la gaarsiiyo dadka ay dhibaatadu saamaysay.
Hay’adaha samafalka ayaa xaqiijiyay, in xaaladaha goobaha ay dhibaatadu ka dhacday ay weli yihiin kuwo halis ah, iyadoo kumanaan barakacayaal ah ay weli la il daran yihiin cunto yari iyo hoy la’aan ba’an.
Dabayaaqadii bishii Maarso ee la soo dhaafay, Miyanmaar ayaa waxa ay la kulantay dhulgariirro aad u ba’an oo lagu qiyaasay 6.9 daraja. kuwaas oo ku dhuftay gobollada dhexe iyo kuwa waqooyi ee dalkaas, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, iyadoo sidoo kale uu burbur xooggan gaarsiiyay kaabayaasha dhaqaalaha iyo hantida ee goballadaasi.