Monday, July 14, 2025
HomeAll NewsDalka Qadar oo ay Wali ka Socdaan Wada-xaajoodyada u Dhaxeeya Yahuudda &...

Dalka Qadar oo ay Wali ka Socdaan Wada-xaajoodyada u Dhaxeeya Yahuudda & Muqaawamada.

Wareegyada cusub ee wada-xaajoodyada u dhaxeeya muqaawamada Falastiin iyo Yahuudda, oo hadda ka socda caasimadda Qadhar ee Dooxa, ayaa gaaray waddo xiran oo ismarin waa ah.

Ra’iisul wasaaraha Yahuudda dhiig-yacabka lagu magacaabo Binyamiin Netanyaahu ayaa ka dhawaajiyay, suurtagalnimada sii kordheysa ee ah, inay burburaan wada xaajoodyada ka socda waddanka Qadhar, iyadoo ay jiraan khilaaf ba’an oo u dhexeeya Yahuudda iyo Muqaawamada oo salka ku haya arrimo muhiim ah, sida ka bixitaanka ciidamada Yahuudda ee marinka Qazza, kaas oo caqabad ku noqday wada xaajoodyada.

Hadallada Netanyaahu ayaana u muuqda isbeddel xun oo ku yimid geeddi-socodka wada-xaajoodyada, waxaana hadalladiisa loo fasirtay rabitaankiisa ah inuu dib uga gurta wada-xaajoodyada.

Dhankiisa kanaalka 13 ee Yahuudda oo soo xiganaya mas’uul Yahuudi ah ayaa tibaaxay, in wadahadallada ka socda Dooxa aysan ahayn kuwo burbur qarka u saaran, isagoo arintaasi u sababeeyay, in wafdiga Yahuudda ay wali ku sugan yihiin Qadhar, haddii wadahadalku burburi lahaana aysan halkaas sii joogi lahayn.

Sidoo kale, ilo Falastiini ah oo xog-ogaal u ah wada-xaajoodka ka socda Dooxa ayaa u sheegay wargeyska Al-sharqul Awsadh, in ay aad u degdeg tahay in laga hadlo fashilka ku yimid wada-xaajoodyada, maadaama ay weli socdaan dadaallo ay wadaan dhexdhexaadiyeyaal, inkastoo Netanyaahu uu is-hortaagay isku dayo lagu doonayay in xalka lagu gaaro.

Netanyaahu ayaa dhawaan sheegay, inaysan suurta gal ahayn heshiis dhamaystiran oo ka hirgala jiidda Qazza, muqaawamada Falastiin ayaana hadalkaas ku tilmaamtay, mid ka turjumaya u jeedooyibkiisa gurracan iyo niyooyinkiisa xun, iyadoona muqaawamada sheegtay, in Netanyaahu uu caqabad ku yahay sidii loo gaari lahaa heshiis horseedi kara in maxaabiista la sii daayo, lana joojiyo duullaanka gardarrada ah ee ka dhanka ah Marinka Qazza.

Umuurahan ayaa imaanaya, iyadoo muqaawamada Falastiin ay xoojisay hawlgalada iska caabinta ah, qaraxyada iyo weerarada gaadmada ah ay ku beegsanayso ciidamada Yahuudda ee duulaanka ku jooga marinka Qazza, taas oo keentay, in dhagta dhiigga loo daro askar iyo saraakiil badan oo Yahuud ah, lagana gubo gawaarida gaashaaman ee ay wateen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.