Sunday, June 22, 2025
HomeAll NewsDamac Dhaqaale oo Sabab u ah Isfidinta Millatari ee ay Uganda ka...

Damac Dhaqaale oo Sabab u ah Isfidinta Millatari ee ay Uganda ka Wado Bariga Congo.[WARBIXIN]

Shantii bishaan Juun, ciidamada Yugaandha  ayaa waxa ay gaareen magaalada Kaasiini, oo ku taalla jiinka harada Al-Birti ee gobolka Iituuri ee bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo.

Taliyaha guud ee ciidamada Yugaandha Janaraal Muuhuzi Kaynirugaba, ayaa bartiisa “X” ee horay loo oran jiray Tuwiitarka-ka soo dhigay muuqaal muujinaya dadka deegaanka oo si xamaasad leh u soo dhawaynaya askartooda, halka Kiriis Maagiizi oo ah afhayeenka ku meel gaarka ah ee ciidamada Yugaandha  uu sheegay, in ciidamadu ay qabsadeen magaalada Kaasiini iyo magaalada deriska la ah ee Tashumya.

Markii ugu horreysay oo Yugaandha  ay ciidamadeeda u dirtay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo  bishii Noofambar sanadkii 2021-ka, waxay ahayd inay baacsato ciidamada Difaaca Dimuqraadiga, oo ah koox fallaago ah oo kasoo jeeda Yugaandha  kana hawlgasha mandiqadda Biini ee gobolka Waqooyiga Kiifuu.

Dowladaha Yugaandha  iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo ayaana Kooxdan ku eedeeyay inay xasuuq u geysatay dad rayid ah.

Si kastaba ha ahaatee, ciidamada Yugaandha  ayaa hadda isku fidiyay meelo ka baxsan goobaha ay ka howlgalaan kooxdaas, iyagoo gaaray gobalka Iituuri, inkastoo ciidamadu ay qirteen, in kooxda aysan hadda dhaqdhaqaaqyo ka sameynin manaadiqdaas oo ay ku jirto magaalada Kaasiini.

Bishii Febraayo ee la soo dhaafay, taliyaha guud ee ciidamada Yugaandha  ayaa sheegay, in bariga Koongo ay tahay aagg ay saameyn ku leeyihiin, aysana ka dhici karin wax aysan iyaga ogolaanin, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Taliyaha ciidamada Yugaandha  ayaa sidoo kale khudbado uu ka jeediyay gooba fagaare ah ku taageeray kooxda M-23, taas oo sanadkan horumaro la taaban karo ka sameeyay gobolada Waqooyiga iyo Koonfurta Kifuu, iyadoo waxa loogu yeero Qaramada Midoobay ay sheegtay, in kooxdan ay taageero ka hesho dalalka Yugaandha  iyo Rwaanda, inkastoo labada dal ay beeniyeen eedeymahaas.

Dadka falan-qeeyayaasha ah ayaa rumeysan, in ballaarinta howlgallada Yugaandha  ay ka tarjumayso isbedel ku yimid mudnaanta Kambaala, sida uu sheegay afhayeenka ciidamada Yugaandha, kaas oo si cad u sheegay, in ciidamadu aysan ilaalinayn oo keliya bulshooyinka Koongo balse sidoo kale ay ilaalinayaan danaha dhaqaale ee dalkiisa.

Wararka ayaa intaas ku darayo, in dowladda Yugaandha  ay heshay ogolaansho ay ku dhisayso waddooyin laami ah, kuwaas oo laga dhisayo gudaha Koongo iskuna xiri doona magaalooyinka waaweyn ee dalkaas, tallaabadaas oo looga gol leeyahay in sare loogu qaado ganacsiga.

Halkaan ka Degso Warbixinta Uganda iyo Congo

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.