Hay’adda cilmi-baarista ee Maraykanka laga leeyahay ee Pew Research Center ayaa sheegtay, in Muslimiintu yihiin bulsha diimeedka ugu kobaca badan dunida, iyagoo intii u dhaxaysay sannadihii 2010-kii illaa 2020-kii kordhay cadad gaaraya illaa 347 Milyan oo qof, taas oo muujinaysa xawaaraha sare ee ay dadka Muslimiinta ah kaga horreeyaan diimaha kale ee caalamka marka la eego kobaca bulshada.
Hay’addan ayaa soo saartay warbixin ballaaran oo lagu falanqeeyay xog laga ururiyey in ka badan 2,700 oo illood, oo ay ku jiraan tirakoobyo rasmi ah, diiwaanno dowladeed, sahanno iyo cilmi-baarisyo la samaynayay muddo ka badan toban sano, iyada oo la tixgelinayo jawaabo ka kala yimid dad ka kala socday in kabadan 200 oo waddan, kuwaas oo wax laga waydiiyay su’aalo la xiriira diintooda.
Warbixinta ayaa daaha ka rogtay in tirada Muslimiinta adduunka ay ku korodhay ku dhowaad 347 Milyan oo qof muddo ku siman toban sano, taas oo ka dhigaysa kobaca Muslimiinta midka ugu dheereeya marka la barbardhigo bulsho diimeedyada kale ee caalamka, iyadoo sababta ugu weyn lagu sheegay, inay tahay kororka dabiiciga ah ee ka dhex jira bulshada Islaamka, oo ay horseed u tahay dhalmada badan.
Dhinaca kale, warbixintu waxay muujisay in tirada Nasaarada ay korodhay 122 Milyan oo qof intii u dhaxaysay 2010-kii illaa 2020-kii, balse ay hoos u dhacday marka loo eego saamigooda guud ee dadka caalamka, iyadoo la diwaan galiyay hoos u dhac gaaraya boqolkiiba 1.8%. Waxaana arrintan loo sababeyay in dad badan ay ka bexeen Kirishtanka ama ay ku biireen diimo kale oo aan xiriir la lahayn Nasaarada, taas oo keentay in kobaca tiradooda uusan la jaanqaadin bulshooyinka kale.
Warbixintu waxay caddeysay in tan iyo sannadkii 2010-kii illaa 2020-kii ay saamiga Muslimiinta ee bulshada caalamka kordhay, iyada oo haray u ahayd boqolkiiba 23.9%, taas oo gaartay boqolkiiba 25.6%, halka saamiga Kirishtaanka uu hoos uga dhacay boqolkiiba 30.6% uuna gaaray boqolkiiba 28.8%, taas oo muujinaysa isbeddel muuqda oo ku yimid tirakoobyada diimaha dunida.
Warbixintu waxay sidoo kale tilmaantay in hoos u dhaca ugu weyn ee tirada Nasaarada laga diiwaangeliyay qaaradda Yurub iyo Waqooyiga Ameerika, halkaas oo dad badan ay ka tageen diinta Kirishtanka ama ay ku biireen diimo kale.
Taqriirkan ayaa xusay in Muslimiinta caalamku ay intooda badan ku nool yihiin gobalada Aasiya, Baasifigga, Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika, iyadoo sidoo kale la diiwaangeliyay koror aad u weyn oo ku yimid tiradooda; waxaana Muslimiinta ku nool Waqooyiga Ameerika ay kordheen boqolkiiba 52.3%, halka kuwa ku sugan Afrika ee ka hooseysa Saxaraha ay sare u kaceen boqolkiiba 33.8%, iyadoo dadaka muslimiinta ah ee ku sygan mandiqadaha loo yaqaano bariga dhexe iyo waqooyiga Afrika ay kordheen boqolkiiba 23.9%.
Warbixintu waxa kale oo ay tilmaantay, in dadka Nasaarada ah ay hoos u dhaceen boqolkiiba 10.8% marka la jooga Waqooyiga Ameerika, halka boqolkiiba 8.8% ay hoos u dhaceen Nasaarada ku nool Yurub, halka ay kordheen kuwa jooga Afrikada Saxaraha ka hooseeya nisba dhan boqolkiiba 31.2%.
Warbixinta oo sii socata ayaa lagu sheegay, in diinta kiristaanka ay tahay tan ugu faafitaanka badan caalamka marka laga reebo manaadiqda Aasiya, badwaynta Basifigada, Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika.
Sidoo kale Warbixinta ayaa lagu xusay, in dadka aan diina raacsanayn ay tiradoodu dhan tahay boqolkiiba 24.2%, taas oo ka dhigaysa kooxda saddexaad ee ugu badan marka laga reebo Muslimiinta iyo Kiristaanka.
Dhinaca kale, warbixintu waxa ay tilmaantay, in tirada dadka Buudiyiinta ah ay sannadkii 2020-ka ka hoosaysay tii sannadkii 2010-kii, iyadoo ay hoos u dhacday 19 Milyan oo qof muddadaas, halka Yuhuudda ay korortay boqolkiiba 6% intii u dhaxaysay sanadihii 2010-ka illa 2020-ka, kuwaas oo gaaray ku dhawaad 15 Milyan oo qof.
Warbixin ay soo saartay xarunta cilmi baarista ee Ameerikaan ah ee Baw sanadkii 2017-ka ayaa lagu sheegay, in diinta Islaamku ay tahay diinta ugu kobaca badan caalamka, isla markaana sanadka 2075-ka ay noqon karto diinta ugu dadka badan caalamka.