Waxaa marba marka ka dambeysa isa soo tareysa cabashada xooggan ee ay bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho ka muujinayaan, wadooyinka isku badalay biyo friisidka ee halbowlaha u ahaa isku socodkaa dadka iyo gaadiidka.
Mid kamid ah wadooyinkaas, waa kuwa ka yimaada xarunta Madaxtooyada ee Dowladda Fedaraalka, taas oo isku badashay boholo iyo biyo fariisad.
Darawallada ka xeeya Mootooyinka ee isticmaala wadadaas ayaa waxa ay tilmaameen, in laga qaado lacago canshuur ah, saasoo ay tahayna ay dhibaato ba’an ku qabaan arrinta ay ka cabanayaan.