Darawallada ka xeeya gaadiidka Xamuulka ee isagaa goosha Muqdisho iyo gobolka Sh/Dhexe, ayaa ka cabanaya isbaarooyin xad dhaaf ah oo ay sheegeen in badankood ay uyaallaan maamulka la baxay hirshabeelle.
Qaar kamid ah wadayaashan oo warbaahinta sheegay in isbaarooyinka looga qaado lacag udhaxeysa $300 illaa $700 Doollar saasoo ay tahayna aysan aan la nabad gelin oo dhac iyo jir dil loo geysto.
Waxay ku dhawaaqeen shaqo joojin, iyagoo sugaya in wax laga qabto jid gooyooyinka ay sheegeen iney u yaallaan maamulka uu hogaamiyo Cali Guudlaawe.