Tuesday, June 17, 2025
HomeAll NewsDawladaha Ruushka Iyo Ukraine oo Isdhaafsaday Weeraro Culus oo Khasaare Badan Dhaliyay.

Dawladaha Ruushka Iyo Ukraine oo Isdhaafsaday Weeraro Culus oo Khasaare Badan Dhaliyay.

Dawladaha Ruushka iyo Yukrayn ayaa saacadiihii lasoo dhaafay is dhaafsaday weerarro xooggan oo gaystay khasaare culus. Wasaaradda gaashaandhigga ee Ruushka ayaana ku dhawaaqday in nidaamyadooda difaaca cirka ay xalay ku guuleysteen soo ridida ku dhawaad 200 oo diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah, kuwaas oo lagasoo riday dhanka Yukrayn, diyaaradahan ayaana lagu weeraray gobollo kala duwan oo ka tirsan dhulka Ruushka, iyada oo labo ka mid ah ay si gaara u bartilmaameedsanayeen magaalada caasimadda ah ee Moskow.

Bayaan rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda ayaana lagu sheegay, in ciidamada Ruushku ay dhulka soo dhigeen 198 diyaardood oo daroonis ah, intii u dhaxaysay xalay fiidkii illaa iyo waabarigii hore ee saaka, kuwaas oo ku burburay hawada 10 gobol oo ay kamid yihiin Kurusk iyo agagaarka magaalada Moskow.

Dhanka kale, magaalada Kiyeef ee caasimada u ah dalka Yukrayn ayaa martigalisay duqaymo xooggan oo sababay burburka guryo la dagan yahay, iyada oo baraha bulshada lagu faafiyay muuqaallo muujinaya holac iyo uuro madoow oo ka baxaysa goobaha la beegsaday, inta la xaqiijiyay ku dhawaad 20 qof ayaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerarkan.

Wargeys kasoo baxa dalka Yukrayn ayaa lagu sheegay, in duqaymaha ay fulinayaan ciidamada Ruushka ay sababeen dab xooggan oo ka kacay laba degmo oo ka tirsan magaalada caasimada ah ee Kiyeef. Wararka ayaa intaas ku daraya, in sidoo kale la beegsaday magaalo xeebeedka Odeesa oo iyaduna la kulantay weerarro xooggan oo hakad galiyay isu socodkii magaalda. Goobaha la weeraray waxaa kamid ah garoonka diyaaradaha ee Juli’ani, oo ah mid ka mid ah kaabayaasha ugu muhiimsan magaalada.

Muuqaallo badan oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya qiiq madow oo cirka isku shareeray kaddib duqeymo ay diyaaradaha dagaalka ee dawladda Ruushku ku beegsadeen magaalada Odeesa.  War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga ee Ruushka ayaana lagu sheegay, in la beegsaday saldhigyo ciidan, xarumo warshadeed oo hubka lagu farsameeyo iyo goobo muhiim u ah ciidamada Yukrayn, iyaga oo ku hanjabay inay sii kordhin doonaan hagalada ay kaga falcelinayaa weerarada ay ciidamada Yukrayn ku hayaan xaruma askarta Ruushka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.