Friday, June 6, 2025
HomeAll NewsDEG-DEG: Al-Shabaab oo Dagaal Kula Wareegay Deegaan Katirsan Gobalka Hiiraan

DEG-DEG: Al-Shabaab oo Dagaal Kula Wareegay Deegaan Katirsan Gobalka Hiiraan

Wararka ka imaanaya gobalka Hiiraan ee bartmaha Soomaaliya ayaa ku waramaya, in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay dagaal kula wareegeen deegaan katirsan gobalkaas.

Mujaahidiinta ayaa dagaal kula wareegay deegaanka Ceel-hareeri oo dhaca duleedka degmada Moqokori ee gobalka Hiiraan.

Ugu yaraan 2 askari oo katirsan Dowladda Fedaraalka ayaa lagu dilay 3 kalana waa lagu dhaawacay, halka gaari Propox lagu soo furtay weerarka ka dhacay deegaanka Ceel-hareeri ee gobalka Hiiraan.

Waxaa iminka dagan xaaladda deegaanka Ceel-hareeri ee dhaca duleedka degmada Moqokori oo ay ku sugan yihiin ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.