Wararka naga soo gaaraya gobalka Hiiraan ee bartmaha Soomaaliya ayaa ku waramaya, in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay goordhaw la wareeg gacan ku henyta deegaan muhiim ah oo ku yaalla gobalkaas.
Ciidamo hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa si nabad galyo ah kula wareegay deegaanka Tardo oo hoostaga magaalada Moqokori ee gobalka Hiiraan.
Deegaankaan oo ah deegaan muhiim ah ayaa waxa uu talis weyn u ahaa ciidamada Dowladda Fedaraalka, waxaana ay askartu isaga firxadeen halkaas kadib markii ay maqleen in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay kusoo wajahan yihiin deegaanka.
Deegaaka Tardo ayaa waxa uu qiyaastii 60 km u jiraa degmada Buulaburde, halka degmada Jalalaqsina uu u jiro 45 km.
Tani ayaa ka dhigan culyes horleh oo soo wajahay ciidamada Dowladda Fedaraalka ee ku sugan gobalka Hiiraan, kuwaas oo maalmo ka hor awood looga fara-maroojiyay magaalada Moqokori, waxaana marba marka ka dambeysa isa soo taraya walaaca ay saraakiishu ka muujinayaan dagaalka ka socda gobalkaas.