Sunday, June 29, 2025
HomeAll NewsDEG DEG: Al-Shabaab oo La Wareegay Degaanka Ceel-Qooxle ee Gobolka Hiiraan.

DEG DEG: Al-Shabaab oo La Wareegay Degaanka Ceel-Qooxle ee Gobolka Hiiraan.

Ciidamo aad uhubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saakay si nabad ah kula wareegay degaanka Ceel-Qooxle ee gobolka Hiiraan.

La wareegitaankan ayaa yimid kadib markii ay halkaasi isaga carareen askartii Dowladda Fedaraalka ee ku sugnaa, waxaana haatan maamulaya amnigiisana sugaya Millateriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Maalmihii lasoo dhaafay duleedyada degaankan waxaa lagu laayay, askar badan oo kamid ah kuwa Dowladda Fedaraalka saldhigyadii ay la haayeenna waa lasoo afjaray.

Saakay waa subax kale oo uu dagaalku yeelanayo waji cusub, kadib maalmo xiriir ah oo dagaallo ku suntan la is hor fadhiyay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.