Wararka naga soo gaaraya gobalka Sh-hoose ayaa ku waramaya, in weerar nafhunimo ah maanta lala beegsaday, kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen askar katirsan ciidanka Shisheeye ee qeybta ka ah duullaanka Soomaaliya.
Camaliyadda ayaa waxaa ciidamada Shisheeye lagula beegsaday duleedka degmada Afgooye ee gobalka Sh-hoose, waxaana lasoo warinayaa in khasaare uu ka dhashay weerarkaas.
Xogaha aan heleyno ayaa tilmaamaya, in camaliyadda nafhurnimada ah lala beegsaday gaadiid gaashaaman oo ay wateen ciidamada Shisheeye.
Tan iyo markii ay camaliyaddu dhacday kadib, waxa ay dad goobjoogayaal ah soo warinayaan iney maqlayaan qaraxyo waaweyn, kuwaas oo loo badinayo iney yihiin hubkii ku jiray gaadiidka gaashaaman ee ay wateen Shisheeyaha.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in goobta ay kusoo degtay diyaarad Helicopter ah, taas oo daabuleysa meydadka iyo dhaawacyada ciidamada Shisheeye ee lala beegsaday camaliyadda nafhurnimada ah.
Wixii warar ah ee kusoo kordha howlgalkaanna waan idiin soo gudbin doonnaa insha’allaah.