Qarax aad uxooggan ayaa goor dhow ka dhacay duleedka degaanka Wargaadhi ee gobolka Sh/Dhexe, kaasoo lala eegtay gaari Cabdi-Bile ah oo ay saarnaayeen ciidanka Dowladda Fedaraalka.
Khasaare isugu jira dhimash iyo dhaawac ayaa qaraxan kasoo gaaray askarta Dowladda Fedaraalka, waxaana sido kale goobta ku burburay gaarigii Cabdi-Bilaha ahaa.
Tirada askarta ee qaraxa ku dhimatay inta la xaqiijiyay waa 7 askari, halk ay dhaawacmeen 3 kale.
Weerarkan qarax ah ayaa kusoo aadaya, iyadoo saakay dagaal xooggan ay Maillateriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab kula wareegeen degaanka Wargaadhi. halkaasoo in ka badan 30 asakari ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen.