Weerar madaafiic ah ayaa lagu qaaday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, oo ah taliska ugu weyn ee ciidamada Shisheeyaha ee kusoo duuley dalka ku leeyihiin Soomaaliya.
Tiro madaafiic ah ayaa ku hoobatay gudaha xerada Xalane, oo ay deganyihiin safaaradaha reer galbeedka, sidoo kalena ah taliska laga hago duullaanka ciidamada Shisheeyaha ay kusoo qaadeen dalka.
War kooban oo kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayay ku sheegatay masuuliyadda weerarkan duqeynta ah, waxaana weli la helin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey.
Dhowr-jeer oo hore ayay xerada Xalane marti gelisay weeraro duqeymo iyo kuwa toos ah, oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab la beegsadeen, waxaana weeraradaas ka dhashey khasaare dhimasho iyo dhaawac.