Sunday, May 18, 2025
HomeWarka GudahaDEG DEG: Qarax Khasaare Xooggan Geystay oo ka Dhacay Xero Ciidan oo...

DEG DEG: Qarax Khasaare Xooggan Geystay oo ka Dhacay Xero Ciidan oo ku Taalla Muqdisho

Saakay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa ka dhacay qarax xooggan oo lala beegsaday, dad ay askar ahaan uqoraneysay Dowladda Fedaraalka.

Qaraxan oo jigtiisa aad looga Maqlay Xamar, ayaa ka dhacay xero Damaanyo oo ay ku sugnaayeen dad askar ahaan loo diiwaan-gelinayay, waxaana jira khasaare xooggan oo kasoo gaaray qaraxaas.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna sheegtay iney khasaare culus gaarsiiyay dadkii ay ciidan ahaanta uqoraneysay Dowladda Fedaraalka.

Wararka ku saabsan qaraxaan ayaa ah kuwo isa soo taraya, balse wali ma aanan helin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan inta uu la egyahay khasaaraha Dowladda Fedaraalka ku gaaray halkaasi.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay Muqdisho ka dhaco, qarax kan lamid ah oo lala beegsaday,dad ay askar ahaan uqoraneysay Dowladda Fedaraalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.