Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya, in goordhaw qeybo kamid ah magaalada laga maqlay jugta qarax culus, kaas oo laga helayo xogo horudhac ah.
Weerarka oo ahaa Camaliyad Nafhurnimo ah oo uu fuliyay naftii hure katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lala beegsaday, saraakiil caddaan oo ku sugnaa xerada Kuliyada Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.
War horudhac ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lagu sheegtay howlgalkaan, waxaana bayaanka lagu yiri:
“Ciidamada Mujaahidiintu waxay maanta oo Arbaco ah hawlgal gaar ah ka fuliyeen gudaha xerada loo yaqaano Kulliyada Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho. Hawlgalka oo ahaa camaliyad istish-haadi ah ayay Mujaahidiintu si gaar ah ula beegsadeen saraakiil ciidan oo saliibiyiin reer galbeed ah kuwaas oo tababaro siinayay ciidamada ridada Soomaaliya”.
Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in camaliyaddu ay u dhacday sidii loo qorsheeyay waxaana lagu yiri:
“Camaliyadda istish-haadiga ah ayaa – Allaah fadligiis – sidii loo qorsheeyay u haleeshay saraakiisha saliibiyiinta reer galbeedka ah xillli ay kormeer ku samaynayeen ciidamada ridada ah ee ay tababarka ku siinayeen gudaha kulliyada Jaalle Siyaad, waxaana halkaas ku soo gaaray khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac. Wixii faahfaahin ah dib ayaan ka soo gudbin doonaa insha’Allaah”
Xogo la helayo ayaa sheegaya in saraakiisha reer galbeedka ah ee lagu beegsaday camaliyadda nafhurnimada ah ee Kulliyada Jaalle Siyaad ay ka tirsan yihiin hawlgalka midowga Yurub ee u xilsaaran tababarka saraakiisha Dowladda Fedaraalka.