Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saakay cagta mariyay, 2 xero ay askarta maamulka labaxay Koonfur-galbeed ku leeyihiin deegaanka Bari-ujeed ee hoostaga magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.
Sidoo kale ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar kamiin ah udhigay, askarta katirsan maamulka la baxay Koonfur-galbeed oo gurmad ahaan usoo aaday xeryaha cagta la mariyay, dib ayaana loogu celiyay Beydhabo iyagoo khasaare dhabarka ku sita.
Ugu yaraan 8 askari ayaa lagu dilay weerarada cagmarinta ah iyo kamiinka ka dhacay duleedka magaalada Beydhabo, iyadoona lasoo warinayo in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay gacanta ku dhigeen maxaabiis dagaal iyo hub.