Waxay ahayd mid kamid ah maalmihii ugu wacanaa ee soo mara Makkah, iyo guri dhiskii ugu sharafta badnaa ee dunida..
Mid kamid ah wiilashii uu dhalay Cabdil Mudhalib oo lagu magacaabo Cabdullaahi, ahaana wiilka ka tilmaaman walaalihiisa ayaa gogol u fadhiistay inuu guursado Aamina binti Wahab.
Si milgo iyo sharaf leh ayaa loo soo dhaweeyay isaga iyo qoyskiisa, ujeedkii ay lahaayeenn loogu fuliyay, halkaasina waxaa ka dhismay guri ileys iyo iftiin uga dhignaa dunida oo dhan!.
Inkastoo aanu cimriyin Cabdullaahi, hadana guurkaasi wuxuu ahaa mid barakeysan, durbana waxaa calool galay Muxamad bin Cabdillaahi, isagoo hooyadii labo filood ay uurka ku sido ayuuna geeriyooday aabihiisa.
Inkastoo firaaqa Cabdullaahi uu Aamina uga dhignaa culees iyo murugo qalbi taabad leh, hadana waxay garab istaag ka heshey Cabdil Mudhalib, muda kadibna waxa uu Allaah ku arzaaqay wiilkeeda Muxamad bin Cabdillaahi.
Wuxuu waqtigu is guraba, wuxuu Muxamad bin Cabdillaahi gaaray da’d 40ka sano, xilligaasi ayuuna Allaah Cazza Wajalla dusha ka saaray amaanada ah inuu risaalada Towxiidka gaarsiiyo dunida, uuna noqdo rasuulkii ugu dambeeyay ee Allaah xagiisa laga soo diro.
13 sano oo aan kala go’ lahayn ayuu Suubanaha Salla-llaahu caleyhi wasallam ku sugna Makkah, isagoo gudanaya waajibka gaarsiinta Risaalada Towxiidka, wuxuuna qoomkiisa kala kulmay culeesyo iyo dhibaatooyin haddii buuraha lagu rari lahaa ay la burburi lahaayeen.
Laakiin marnaba kama leexin culesyadaas hadafkiisa rasmiga ah, guri Makkah ku yaala iyo dhabe Makkah soo gala aanu istaaginna majirin Nabiga, isagoo ku celcelinaya “ Waxqad dhahdaan Laa Ilaaha Illa-llaah”.
Inkastoo dad badan oo Makkah ku noolaa ay Islaamka soo galeen, hadana Makkah ma noqon magaalo martigelin karta bulshadii uu ku taamayay inuu dhiso Nabiga Salla-llaahu caleyhi wasalam, mujmaticii jaahiliga ee halkaasi deganaa ayaana caabudidda Asnaamta doorbiday.
Balse waxaa kahor albaabada qalbiga furtay magaalo yar oo kaneeco badneyd xilligaas laguna magacaabi jiray Yathrib, taasoo goor dambe noqotay Al-Madiinatul Munawara ama Dhaabaa.
Dhalinyaro caaboon hormuudna u ahaa qabaa’ilka Aws iyo Khazraj ee dega Madiina ayaa yimid Makakh, iyagoo u bandhigay Rasuulka inuu usoo guuro magaaladooda, diyaarna ula yihiin garab istaag iyo difaac, beycadii Al-Caqaba Ath-Thaaniya ayaana sidaasi ku dhacday, taasoo budhig u noqotay aas-aaska bulshadii ugu horeysay oo Islaami ah, kadib qarniyo baadinimo iyo baadil ah, waana isla bulshada aanu naawileyno iney noqoto bowslada iyo jiheeyaha haga Umadda Soomaaliyeed.
Nabi Muxammad Salla-llaahu caleyhi wasallam iyo rafiiqiisa hijrada iyo Jihaadka Abuu Bakar As-Saddiiq ayaa goor aan la fileynin kasoo baxsaday Makkah, iyagoo soo jeexey dhabaha hijrada, doonayana iney gaaraan walaalahooda Ansaarta ee Madiinatul Munawara.
8 maalin oo safar ah kadib, oo ay soo mareen xaalado kala duwan oo ay diiwaangelisay kutubta Siirada, waxay Nabiga Salla-llaahu Caleyhi wasallam iyo walaalkiisa Abuu Bakar soo gaareen Madiinatul Munawara, halkaasina waxaa kusoo dhaweeyay quluub uu cammiray Iimaanka iyo Iithaarka, budhig iyo asaasna u noqday dowlad Islaami ah iyo bulsho muslim ah, waana mujtamaca fariidka ah ee Reer Madiina, kaasoo ah jiil mar la arag ah oo isaga oo kale aanu marnaba soo marin dunida, in la helo tiroyar oo shabahda mooye.
Allaahna waxaan weydiisaneynaa inuu naga dhigo tiradaas yar ee ku dayata bulshadii Madiinatul Munawara ee uu dhisay Suubanaha Salla-llahu caleyhi wasallam, fikradda barnaamijka Islaamka iyo Bulshada ayaana ah rajo iyo hiigsi aanu leenahay oo la xiriirta inaan qeyb ka noqonno dhismaha bulsho shabahda mujmaticii Madiinatul Munawara, Allaahna wuxuu Xadithul Qudsi ku yiri “ Adoonkeyga wuxuu iga helayaa wixii uu iga maleysto”.
Sida Abuu Hureyra Radiyallahu canhu laga wariyeyna “ Nabiga Salla-llaahu Caleyhi wasallam way cajab gelin jirtay warsan sheega iyo yidadiillada wanaagsan”.
Halkaan ka Degso Warbixin- Kumuu ahaa Ileyskii Dunida Bedeley