Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa ku waramaya, in markale gudaha dalkaas dil iyo dhaawac loogu geystay muwaadiniin Soomaali ah.
Weerar ay burcaddu ka geysteen magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ayay ku beegsadeen , dhalinyaro Soomaali ah oo ku noolaa magaaladaas.
Wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabe jiray Saciid Xuseen Garabeey ayay burcaddu ku dishay magaalada Capte Town, halka ay sidoo kale kale dhaawaceen wiil labaad oo Soomaali ah.
Ragaan ayaa xilligii la weerarayay waxa ay ku sugnaayeen xarun ganacsi oo ay ku lahaayeen magaalada, waxaana intaasi kadib goobta isaga baxsaday burcaddii falka geystay.
Tani ayaa waxa ay walaac ku abuurtay dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan dalka Koonfur Afrika si gaar ah ganacsatada, kuwaas oo had iyo jeer la kulma weeraro nuucaan ah.
Dhawaan ayay aheyd markii dalka Koonfur Afrika dil iyo dhaawac loogu geystay 2 wiil oo dhalinyaro Soomaali ah.