Saturday, May 31, 2025
HomeAll NewsDhalinyaro Soomaali ah oo Isku Mindiyeeyay Magaalo Katirsan Dalka Australia

Dhalinyaro Soomaali ah oo Isku Mindiyeeyay Magaalo Katirsan Dalka Australia

Waxaa magaalada Melbourne oo ay Soomaalidu ku badan yihiin kuna taalla dalka Australia isku mindiyeeyay, dhalinyaro ay Soomaali kamid yihiin oo ku dhaqan magaaladaas.

Dhalinyarada oo ay xurguf hoose ka dhaxeysay ayaa waxa ay isku adeegsadeen mindi iyo baangado, waxaana gacan ka hadalkaan ka dhashay in mid kamid ah dhinyaradaas uu soo gaaro dhaawac halis ah.

Boliska Australia oo gaaray goobta ayaa waxa ay wararku sheegayaan in ay xabsiga dhigeen 2 kamid ah dhalinyarada, halka ay baxsadeen 8 kale kuwas oo ay Bolisku sheegeen iney baadi-goobayaan.

Weerarka ayaa si gaar ah kaga dhacay mool laga dukaameysto oo ku yaalla magaalada, waxa uuna cabdi ku beeray dadkii haalkaasi ku sugnaa oo ay Soomaalidu ugu badan yihiin.

Haweeney kamid ah Soomaalidii ku sugneyd moolka xilligii uu weerarku dhacayay ayaa ka warbixisay sida ay wax udhaceen iyo qalqalka ka dhashay gacan ka hadalkaas.

Halkaan ka Degso Warka Australia

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.