Dhalinyaro Tahriibayaal ah ayaa dib ugu soo noqday dalka, iyagoo ka warbixiyay dhibaatadii ay lasoo kulmeen.
Dhalinyaradaan oo ku sugnaaa dalka Al-Jeeriya oo ay rabeen iney uga tallaabaan qaaradda Yurub ayaa waxa ay dib ugu soo laabteen magaalada Muqdisho.
Waxa ay ka warbixiyeen dhibaatooyinkii ay kala soo kulmeen tahriibka, iyagoo geesta kale dhalinta dalka ku sugan uga digay iney tahriibaan oo ay naftooda halis galiyaan.