Saturday, April 19, 2025
HomeAll NewsDhimasho iyo Dhaawac ka Dhashay Dhisme kusoo Dumay Dalka Baxreyn.

Dhimasho iyo Dhaawac ka Dhashay Dhisme kusoo Dumay Dalka Baxreyn.

Maalintii shalay waxaa mar qura la maqlay qarax iyo dhisme soo dumay oo ku yaalla magaalada Al-Maxraq ee wadanka Baxreyn.

Bayaan maanta kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda wadankaasi ayaa lagu sheegay, in 1 qof u uku dhintay 4 kalena ay ku dhaawacmeen dhisme soo dumay oo ku yaalla Bariga magaalada Al-Maxraq.


Wasaaraddu waxay bayaankeeda ku sheegtay, in xogaha hordhaca ah ee ay helayaan sheegayaan, in qaraxa sababay in gurigu soo dumay ka dhashay, haan gaas ku jiro oo cuntada lagu kariyo.

Waxay kaloo intaasi ku dareen in labo ruux laga soo saaray dhismahan burburay, kuwaasoo iyagu Alle ka badbaadiyay musiibadan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.