Friday, May 23, 2025
HomeAll NewsDhimasho iyo Dhaawac ka Dhashay Shil ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Dhimasho iyo Dhaawac ka Dhashay Shil ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Aroornimadii hore ee maanta waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay shil gaari oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Shilkaan ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay halka loo yaqaanno Isgoyska Mirinaayo ee magaaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Shilkaan ayaa waxa uu yimid kadib markii gaari xamuul ah uu dulmaray Mooto-Bajaaj ay saarnaayeen dad rakaab ah oo mareysay isgoyska Mirinaayo ee magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay waxaa shilkaan ku geeriyooday 3 dumaar ah oo kamid ahaa raakiibkii saarnaa Mooto-Bajaajta, halka ay ku dhaawacmeen 2 haween ah iyo darawalkii Mootada ka xeynayay, kuwaas oo ay soo gaareen dhaawacyo halis ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in darawalkii ka xeynayay gaariga xamuulka uu goobta isaga baxsaday, kadib markii uu dhacay shilkaan geystay khasaaraha nafeed.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa marar badan sidaan oo kale uga dhacay shilal gallaaftay nolosha dad badan, shilalka la xiriira gawaarida xamuulka ayaana waayadii dambe ahaa kuwa kusoo noqnoqday gobolka Banaadir.

Halkaan ka Degso Faahfaahinta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.