Wararka laga helayo dalka Iiran oo wajahaysa weerarro culus oo kaga imaanaya dhanka Yahuudda ayaa lagasoo sheegayaa, in gobollo kamida dalkaas laga dareemay dhulgariir xooggan oo saameeyay nolosha dad badan oo ku dhaqan magaalooyinka waawayn ee dalkaas.
Dhulgariirkan oo cabbirkiisu gaarayo illaa 5.1 ilaa 5.2 ayaa saqdii dhexe ee xalay ruxay magaalooyin dhaca waqooyiga dalka Iiraan, gaar ahaan gobolka Semnaan, sida uu shaaciyey Machadka laga leeyahay dalka Maraykanka ee ka warama Juquraafiyada dhulgariirada, iyo wakaaladda wararka ee Tasniim ee laga leeyahay Iiran.
Dhulgariirkan ayaa ka dhacay qunta hoose ee dhulka, taas oo lagu qiyaasay inuu 10 kiiloomitir ka hooseeyo oogada dhulka, islamarkaana uu ku dhuftay agagaarka magaalada Sirkeeh, taasoo qiyaastii 37 kiiloomitir u jirta magaalada Semnaan, kuna taalla meel 150 Kiiloomitir koonfur-galbeed kaga beegan caasimadda Tehraan.
Dhacdadan ayaa si weyn looga dareemeen magaalooyinka waaweyn ee dalka Iiraan, sida Tehran, Karaaj, Damafand iyo Qom oo dhamaantood uu ka socdo duulaanka ay Yahuuddu ku hayaan xukumada shiiciga ah ee Iiraan, taas oo keentay cabsi xooggan oo soo fuud saartay dadka ku dhaqan gobalkaas.
Dawladda Iiraan ayaa sheegtay in dhulgariirkan uu noqday midkii ugu xooganaa ee lagasoo calaamadiyo gobalka Semnaan muddooyinkii dambe, iyada oo Iiran ay kamid tahay dalalka sida joogtada ah u wajaha dhulgariirada, maadaama ay ku taallo aagga u nugul dhacdooyinka noocan ah, taas oo saamayn dhaqaale iyo mid deegaanba ku reebtay dadka ku nool gobaladaas.