Dalka Meksiko, gaar ahaan xeebaha dalkaas ayaa lagasoo sheegayaa, inuu ka dhacay dhulgariir xooggan, kaas oo sababay khasaare aan la cayimin, sida ay sheegeen warbaahino caalami ah. Dhulgariir cabirkiisu yahay 5.9 ayaa ku dhuftay xeebaha koonfur-galbeed ee dalkaas, gaar ahaan agagaarka Jasiirad lagu magacaabo Rifaligaydha, sida ay shaacisay Xarunta Yuuroo-Midhitareniyan ee Diiwaangelisa Dhulgariirrada.
Dhul-gariirkan ayaa ka dhacay meel qiyaastii 402 kiiloomitir u jirta magaalada Betro Falaat ee ku taalla xeebaha Baasifiga, kaas oo oogada badda ka hooseeyay illaa 10 kiiloomitir. Goobta uu ka dhacay dhulgariirkan ayaa ah jasiirado aan si joogto ah loo deganayn, taas oo yareysay suurtagalnimada waxyeello baahsan oo dhalata. Balse dadka ku nool magaalooyinka xeebaha ayaa dareemay cabsi ay ka qabaan inay dhacaan dhulgariiro hor leh.
Dalka Meksiko ayaa ku yaalla goob kaabiga ku haysa badwaynata Baasifiga, oo ah meel ay si joogto ah uga dhacaan dhulgariirada iyo foolkaanooyinka, taas oo ka dhigaysa mid halis u ah musiibooyin gaysta khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed.