Dhulgariir cabirkiisa lagu qiyaasay 5.6 daraja ayaa subaxnimadii hore ee maanta ku dhuftay koonfur-galbeed ee dalka Shiinaha. Sida ay sheegtay xarunta shabakadaha dhulgariirrada ee Shiinaha.
Dhul-gariirkaan ayaa si gaar ugu dhuftay gobalka Laazi ee ka tirsan ismaamulka Ziizaanji ee dalka Shiinaha. Xarunta qaabilsan dhulgariirrada ee dalkaas ayaana sheegtay, in xudunta dhul gariirka ay tahay meel qoto dheer oo 10 kilomitir ah.
Maamulka deegaanka ee gobolka Laazi ayaa warbaahinta u sheegay, in dhulgariirkan si xooggan loo dareemay, taasoo cabsi iyo argagax ku abuurtay dadka deegaanka, iyagoona sheegay, inay Kooxaha dab damiska iyo samatabbixinta ay u direen xudunta dhulgariirka, si ay ula tacaalaan musiibooyinka ka dhalan karo halkaas.
Ilaa hadda ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay khasaaraha ka dhashay dhul-gariirkan maanta ku dhuftay dalka Shiinaha haday ahaan lahayd khasaara nafeed iyo mid hantiyadeed, balse dalkaas ayaa dhawaanahan marti galiyay dhul-gariirro geystay khasaare kala duwan.