Markale waxaa dalka Itoobiya kasoo cusboonaaday dhulgariirro iyo foolkaanooyin, kuwaas oo saameyn ku yeeshay dadka deegaanka.
inta u dhexeysa magaalooyinka Awaash illaa Naasreet ama Adhaama ayaa ah halka ugu daran ee ah ka dhacayaan dhulgariirrada iyo foolkaaniiyinka.
Deegaanno u dhaw magaalada Debrabirhan ee gobalka Amxaarada ayaa sidoo kale kamid ah goobaha laga soo tabinayo masiibooyinkaan.
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa si is daba joog ah dalka Itoobiya uga dhacayay musiibooyinkaan rabaaniga ah, waxaana socda barakac xooggan oo ay sameynayaan dadka Itoobiyaanka ah.