Dhul gariir xooggan ayaa subaxnimadii hore ee maanta ku dhuftay jasiiradda Kireet ee dalka Giriiga, kaas xoogiisa laga dareemay qeybo ka mid ah dalka Turkiga, iyadoo aan lasoo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay dhul-gariirkaas.
Hay’adda Sahanka dhulka ee Maraykanka ayaa sheegtay, in xudunta dhul gariirku ay 78 Kiiloomitir ka hooseeyso oogada dhulka, uuna dhulgariirkaas si gaar ah ugu dhuftay meel qiyaastii 15 kiiloomitir koonfurta ka xigto magaalo lagu magacaabo Faraay oo ka tirsan Giriigga.
Dhanka Masar, waxa Barqanimadii maanta qaybo kamida dalkaas si wayn looga dareemay dhulgariir xooggan, kaas oo argagax ku beeray dadka ku dhaqan deegaanadaasi, sida uu sheegay machadka cilmi-baadhista dhulka ee dowladda Masar.
Warbixin rasmi ah oo uu soo saaray machadkaas ayaa lagu sheegay, in dhulgariirka ay dareemeen dadka deegaanka uu cabirkiisu ahaa 6.4 darajo, uuna ka dhacay meel 431 Kiiloomitir dhanka waqooyi ka xigta magaalada Rashiid ee dalka Masar, isagoona 76 kilomitir ka hooseeyay oogada dhulka.
Machadkan ayaana xaqiijiyay, in Shabakadda la socoshada dhulgariirrada aysan weli duubin wax dhul-gariirro ah oo ka dhashay dhulgariirkaan wayn ee saaka ku dhuftay Masar, hal aysam wali jirin war rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay Dhul-gariirrada laga soo kala calaamadeeyay dalalka Masar iyo Giriigga.