Friday, May 2, 2025
HomeAll NewsDibad-baxyo Looga soo Horjeedo Shixnado Hub ah oo loo Dhoofiyay Yahuudda oo...

Dibad-baxyo Looga soo Horjeedo Shixnado Hub ah oo loo Dhoofiyay Yahuudda oo ka Dhacay Turkiga.

Dibad-baxyo ay isugusoo baxeen kumanaan da’d ah ayaa ka dhacay dakadda magaalada Marsiin ee dalka Turkiga, mudaharaadyadan ayaa loogasoo hor jeeday ka qayb qaadashada dawladdaas ee gumaadka lagu hayo dadka Muslimiinta ah ee ku sugan marinka godoonsan ee Qazza.

Dekadda Marsiin ee dalkaas ayaa waxaa buux dhaafiyay dibad-baxyada loogasoo horjeedo dhoofinta shixnado hub ah oo loo siday kayaanka Yahuudda ee arxanka daran, kaas oo gumaad wuxuushnimo ah ka wada marinka Qazza, mudaaharaadyadan oo ay soo abaabuleen dadka musliiinta ah ee dalkaas ayaa sheegay, in dawladoodu ay qayb ka tahay duulaanka lagu hayo dhulka barakaysan ee Falastiin.

Shirkadda Meersak ee laga leeyahay dalka Deenmaak ayaa dekadda Marsiin kasoo dajisay shixnado waawayn oo hub ah, kuwaas oo laga keenay dhanka Maraykanka loona waday in la gaarsiiyo dekeda Xayfaa ee ay gacanta ku hayaan maamulka Yahuudda, taas oo lasoo marsiiyay dakadda Marsiin ee Turkiga.

Dibad-baxayaasha ayaa isugu soo baxay fagaaraha degmada Daawashaanalii, halkaasi oo ay ku cambaareeyeen doorka shirkadda ee taageeridda duulaanka milatariga Yahuudda, taas oo Sahaayinada ugu deeqday  diyaaradaha dagaalka ee F-35 iyo qalab kale oo milatari.

Dalka Turkiga ayaa dhawr jeer marti galiyay dibad-baxyo waawayn oo lagasoo horjeedo duulanka Yahuudda ee Marinka Qazza, dawladda Turkiga ayaana qayb lixaad leh ka qaadanaysa duulaankaas cadowtooyo, iyada oo qayb ka ah gaashaan buurta NATO ee ay ku bahoobeen bahwadaagta gaalada ee dawladaha reer galbeedka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.