Dibadbax ballaaran oo ay ka qaybqaateen in ka badan 25 hay’adood oo sheegta inay u doodaan xuquuqda aadanaha iyo kuwo kale oo ka tirsand siyaasada dalkaas ayaa xalay ka dhacay afaafka hore ee Aqalka Cad ee magaalada Waashitoon, xilli uu halkaas booqasho rasmi ah ku joogo Ra’iisul Wasaaraha Yahuudda, Binyamiin Natanyaahu. Dibadbaxayaasha oo si weyn u muujinayay caradooda ku aaddan booqashadaas ayaa kor u qaaday hal-ku-dhigyo ay ku cabirayaan sida ay ugasoo hor jeedaan xasuuqa wuxuushnimada ah ee ay Yahuuddu ku wado Marinka Go’adoonsan ee Qazza.
Dibadbaxyadan ayaa si toos ah ugu beegmay kulanka uu Madaxweynaha Mareykanka Doonal Taraam la yeeshay Netanyaahu, taas oo ay dad badan u arkaan tallaabo dhiirrigelinaysa gardarrada Yahuudda ee ka dhanka ah shacabka Falastiiniyiinta. Qaar ka mid ah hadallada laga jeediyay goobta mudaharaadka ayaa si kulul u cambaareeyay siyaasadda ku dhisan dilka iyo gaajeynta shacabka reer Qazza xilli ay sugayaan gargaarka bini’aadantinimo ay tahay mid aan loo dulqaadan Karin, waxayna sidoo kale sheegeen in Netanyahu uu hurinayo dagaal cusub oo ka holca guud ahaan Bariga Dhexe.
Mid kamida dadka kasoo qayb galay dibad-baxyada oo ee ku sugan magaalada Waashitoon, ayaa sheegay in “booqasho kasta oo Netanyahu uu ku tago Mareykanka ay daba socoto xasuuq hor leh oo ka dhaca Qazza, Lubnaan, Suuriya iyo guud ahaan gobolka”, isaga oo intaasi raaciyay in shacabka Mareykanku aysan oggolaan doonin in magaca dalkooda lagu xasuuqo dad abriyo ah.
Dibadbaxayaasha ayaa sidoo kale dalbaday in la joojiyo taageerada milatari ee uu Mareykanku siiyo Yahuudda, lana mamnuuco dhoofinta hubka, dhanka kalana si buuxda loo hakiyo wax kasta oo la xiriira Yahuudda, lagana hortago barakicinta shacabka Qazza..
Dibadbaxyadan ayaa u muuqday kuwo muujinaya, in mucaaradad ballaaran ay ka jirto gudaha Mareykanka oo ka dhan ah siyaasadda Yahuudda iyo taageerada joogtada ah ee ay ka helayso Aqalka Cad, xilli ay sii kordhayaan eedeymaha ku saabsan dambiyada dagaal iyo xasuuqa bani’aadantinimo ee ka dhacaya xayndaabka Qazza.