Maalintii shalay waxaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ka dhacay, dibadbax ay dhigeen haweenka ganacsiyada yaryar ku leh magaaladaas.
Haweenka ayaa kasoo horjeeday go’aan kasoo baxay maamulka la baxay Puntland, kaas oo ahaa iney ka guuraan goobaha ay ku ganacsadaan.
Sawirro iyo muuqaallo laga soo qaaday dadka dibadbaxa dhigayay ayaa muujinaya, iyagoo dhagxaan ku gooyay wadooyinka, islamarkaana diidan amarka kasoo baxay maamulka la baxay Puntland.