Tobanaan kun oo isugu jira arday iyo dad kale oo kasoo horjeeda musuqmaasuqa ayaa dibadbax ka dhigay dalka Seerbiya, kuwaas oo dalbanayay in la soo afjaro xukunka madaxweyne dalkaas ee 12 sano jirsaday.
Dowladda ayaa daraasiin ka tirsan waxa loogu yeero booliiska rabshadaha ku daadisay agagaarka xarumaha dowladda sida baarlamaanka iyo gooba kale, balse dadka dibad baxayaasha ayaa weeraray koontaroolada booliiska rabshadah, taas oo keentay isku dhac dhexmara booliiska iyo mudaharaada-yaasha.
Waxaana lagu soo waramayaa, inay iska-hor-imaadyadaas ku dhaawacmeen Lix ka mid ah shaqaalaha wasaaradda arrimaha gudaha ee Seerbiya iyo laba qof oo rayid ah, halka xabsiga loo taxaabay tobanaan qof oo lagu eedeeyay inay weerareen koontaroolada booliiska, kuwaas oo qayb ka ahaa 36 Kun oo qof oo dhigayay dibadbaxyo ka dhan ah madaxwaynah Seerbiya, kuwaas oo wali ka socda qaybo kamida dalkaas, Sida laga soo xigtay wasaaradda arrimaha gudaha ee Seerbiya.
Arintan ayaa walaac ku abuuray madaxwaynaha Seerbiya, kaas oo muddo xileedkiisa labaad uu ku eg yahay sanadka 2027-ka oo aan wali aan la gaarin, balse mudaharaadayaasha ayaa dalbanayay, in la qabto doorashooyin waqtigoodii laga soo hormariya si kursiga looga tuura madaxwaynaha.
Madaxwaynaha Seerbiya ninka lagu magacaabo Alaksandar ayaa horay u diiday doorashooyin xilli hore ah, wuxuuna Sabtidii sheegay, in gacmo shisheeye ay ka dambeeyeen mudaaharaadyadan isagoona aan farta ku fiiqin shisheeyahaas, waxa uu ku goodiyay, in mas’uuliyiinta dowladdiisa aysan u dulqaadan doonin rabshadahan.
Sidoo kale, kooxaha mucaaradka ee dalkaas ayaa Madaxweyne Seerbiya iyo xulafadiisa ku eedeeyay, inay xiriir la leeyihiin dambiyada abaabulan ee ka dhaca dalkaas, rabshadaha ka dhanka ah kooxaha iska soo horjeeda, iyo xaddidaadda xorriyadda saxaafadda, madaxweynaha iyo xulafadiisa ayaana beeniyay eedeymahaas.
Tan iyo bishii Nofeembar ee la soo dhaafay, Seerbiya waxaa ruxay mudaaharaadyo ka dhan ah musuqmaasuqa kadib markii uu dumay mid kamida saqafka boosteejooyin laga raaco tareennada ee dalkaas, kaasoo ay ku dhinteen 16 qof. Masiibadan ayaa loo aaneynayaa musuq maasuqa xargaha goostay ee ka jira dalkaas.
In ka badan lix bilood, jaamacadaha Seerbiya waxa ay ku jireen shaqo joojin, ardayduna waxa ay dalka oo dhan ka sameeyeen mudaaharaadyo waaweyn oo ay ku dalbanayaan in daahfurnaan lagu sameeyo baaritaanka saqafka sare ee soo dumay ee boosteejada tareenka, balse mas’uuliyiinta dalkaas ayaana arimaas dhagaha ka furaystay taas oo soo dedejisay in lagu baaqo isbadal maamul.