Wednesday, June 18, 2025
HomeAll NewsDibadbaxyo Looga Soo Horjeedo Booliska Kenya oo ka Dhacay Magaalada Nairobi.

Dibadbaxyo Looga Soo Horjeedo Booliska Kenya oo ka Dhacay Magaalada Nairobi.

Dibadbaxyo rabshado wata ayaa waxa waxa ay saacadihii lasoo dhaafey ka dhaceen magaalada Nairobi oo ah caasimadda dalka Kenya, kuwaas oo ay dhigayeen dad ka careysan dil bareer ah oo ay ciidamadu gudaha xabsi ku yaalla magaalada ugu geysteen nin dhalinyaro ah oo dhaliili jiray xukuumadda Nairobi.

Dadkaan isku soo baxay ayaa waxa ay dalbanayeen in la dadajiyo kiiska wiilka ay dileen ciidamada Booliska, iyagoona jaray isku socodkii dadka iyo gaadiidka ee magaalada Nairobi, taayerrona ku gubayay wadooyinka muhiimka ah ee caasimadda.

Ciidamada Booliska Kenya oo isku dayay iney dubadbaxyada xakameeyaan ayaa waxa ay dadka u adeegsadeen sunta dadka ka ilmeysiisa, balse mudaaharayaasha oo careysaan ayaanan u istaagin arrintaas, iyagoona horay usii watay dibadbaxooda.

Waxa ay sidoo kale ciidamada Boliska ku eedeeyeen iney si bareer ah u toogteen dad dibadyo dhigayay, islamarkaana ay hayaan muuqaallada askarta oo si bareer ah utooganay dadka.

Dibadbaxayaasha ayaa waxa ay sidoo kale ku goodiyeen iney sii wado doonaan mudaaharaadyada, illaa xal laga gaarayo kiiska wiilka dhalinyarada ah, islamarkaana xilka laga qaadayo saraakiishii ku lugta laheyd dilkiisa.

Mudaaharaadyadaan ayaa waxa ay si aad ah usaameeyeen ganacsatada Soomaaliyeed ee magaalada Nairobi, waxaana iminka xiran inta badan goobihii ganacsiga ee ay Soomaalidu ku lahaayeen magaalada, iyadoo dibadbaxayaasha ay burbur ugeysteen xarumo ganacsi.

Halkaan ka Degso Warka Kenya

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.