Monday, April 28, 2025
HomeAll NewsDidbax Looga Soo Horjeedo Ruux Muslim ah oo Lagu Dilay Faransiiska oo...

Didbax Looga Soo Horjeedo Ruux Muslim ah oo Lagu Dilay Faransiiska oo ka Dhacay Paris.

Dibad-baxayaal ayaa isugu soo baxay magaalada Baaris, kuwaas oo ka caraysanaa dhacdo aad u foolxun oo jimcihii lasoo dhaafay ka dhacday gudaha dalkaas, taas oo ahayd, in nin Faransiis ah oo uu madax maray Islaam nacaybka uu ku dhawaad 50 jeer tooreeyay nin Muslim ah oo ku cibaadaysanayay gudaha masaajid ku yaalla magaalo dhacda koonfur-bari Faransiiska, sidaasna uu ku geeriyooday ninkii Muslimka ahaa.

Waxa ay ku eedeeyay maamulka Faransiiska inay ka gaabiyeen la dagaalanka hadalada naceybka ah ee ka dhanka ah Muslimiinta, sidoo kalana ay ka gaabiyeen inay qaadaan tillaabooyinka lagama maarmaanka u ah inay Muslimiinta iyo goobaha ay ku cibaadeystaan ​​ka difaacaan weerarrada iyo sharaf dhaca.

Dibad-baxayaashu waxay sidoo kale ku eedeeyeen shakhsiyaad saamaynta ku leh siyaasadda iyo warbaahinta inay hurinayaan nacayb iyo kicinta ka dhan ah Muslimiinta Faransiiska arrimo siyaasadeed iyo kuwo doorasho awgeed.

Wargeyska Luufiighaaruu ee ka soo baxa dalka Faransiiska oo ka hadlay dhacdadaan lagu dilay ruuxa Muslimka ah ayaa tibaaxay, in baarayaasha dalkaas ay heleen muuqaal uu ninka falkan geystay iska duubay isagoo fal-dembiyeedka geysanaya, dhanka kalana ku hadaaqayo areyo uu ku aflagaadaynayo ninkii uu dilay iyo Allaah Subaxaanahuu Watacaalaa. Iyadoo war goor sii horaysay soo dhacay uu timaamaya, in ninkii falkaasi ka danbeeyay uu maanta isu dhiibay booliska Talyaaniga.

Dhowr qof oo ay wakaaladda wararka ee AFP ku wareysatay Jimcihii goobta uu dilku ka dhacay ayaa sheegay, in wiilka dhallinyarada ah ee la dilay uu dhowr sano ka hor ka yimid dalka Maali, isla markaana si weyn looga yaqaanay magaaladaas, uuna ahaa mid aad u laasima masaajidka.

Dhacdadaan ayaana aad looga hadal haayaa caalmka gaar ahaan gudaha Faransiis, iyadoo Muslimiinta ku nool dalkaas ay ka cabsi ka qabaan inuu dib usoo laabto falkaan oo kale.

Waxaa xusid mudan, in Madaxwaynaha Faransiiska ninka lagu magacaabo Imanaweel Makroon uu safka hore kaga jira dadka ku caanbaxay nacayb Islaamka iyo Muslimiinta, waxaana la wada xuustaa aflagaadii uu Suubanaha Naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee kula kacay sanadkii lasoo dhaafay 2020-kii.

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.