Thursday, June 19, 2025
HomeAll NewsDiyaarad ay Leedahay Nigeria oo Dad Shacab ah ku Xasuuqday Waqooyi Galbeed...

Diyaarad ay Leedahay Nigeria oo Dad Shacab ah ku Xasuuqday Waqooyi Galbeed Dalkaasi.

Ugu yaraan 16 ruux ayaa lagu dilay qaar kale waxaa soo gaaray dhaawacyo halis ah, kadib markii diyaarad ay leedahay xukuumadda Nigeria ay duqeyn la beegsatay dad shacab ah, oo ku kasoo laabanayay tuulooyinkooda.

Dadka la laayay noqdeen dagaal ay isaga difaacayeen kooxo hubeysan oo weerar kusoo qaaday, waxaana xilligii ay soo gelayeen tuulooyinkooda duqeyn ku leysay diyaarad dagaal oo ay leeyihiin ciidanka Nigeria.

Dhacadadan ayaa laga soo tebiyay gobolka Zamfara oo dhaca Waqooyi Galbeed dalkaasi, waxayna noqoneysaa tii labaad oo muddo isbuucyo gudahood ah ay askarta Nigeria ku xasuuqaan dad rayad ah.

Deegaanada dhaca Waqooyi-Galbeed iyo bartamaha Nigeria ayaa waxaa halis wayn ku haya in muddo ah kooxo burcad ah, kuwaasoo dadka qaar leynaya kuwo kalena afduubanaya, iyadoo ay sii dheer tahay guryaha rayadka oo ay gubayaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.