Thursday, July 3, 2025
HomeUncategorizedDiyaarad Millatari oo ay Leeyihiin Shisheeyaha oo ku Burburtay Magaalada Muqdisho.

Diyaarad Millatari oo ay Leeyihiin Shisheeyaha oo ku Burburtay Magaalada Muqdisho.

Waxaa xilli hore oo maanta ah magaalada Muqdisho laga soo tabiyay, in diyaarad ay ku burburtay nawaaxiga garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Diyaaradda oo uu nuuceedu ahaa Helicopter ayaa lasoo warinayaa iney lahaayeen Shisheeyaha kusoo duulay dalka, iyadoona warar kala duwan ay kasoo baxayaan cidda sida rasmiga ah u leh diyaaradda.

Xogo horudhac ah ayaa tibaaxaya in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ku dhashay diyaaraddaan burburtay, waxaana muuqaallo lagu baahiyay baraha Internetka ay muujinayeen diyaaradda oo gubaneysa.

Dowladda Uganda ayaa la sheegay iney laheyd diyaaradda, islamarkaana ay saarnaayeen 8 xubnood, kuwaas oo dhammaantood la xaqiijiyay iney geeriyoodeen.

Halkaan ka Degso Warka Diyaaradda

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.