Thursday, July 10, 2025
HomeAll NewsDiyaarad Millatari oo ku Burburtay Gudaha Dalka Hindiya.

Diyaarad Millatari oo ku Burburtay Gudaha Dalka Hindiya.

Dowladda Hindiya ayaa galabnimadii shalay ku dhawaaqday, in diyaarad dagaal oo ay leeyihiin Ciidankooda Cirka ay burburtay xilli ay ku guda jirtay howlo tabobar oo ka dhacayay waqooyi-galbeed ee dalkaas.

Ciidanka Cirka ee Hindiya ayaa qoraal ay soo dhigeen bartooda “X” ee horay loo oran jiray Tuwiitarka-ka ku sheegay, in shilkaasi ay ku nafwaayeen labo duuliye oo saarnaa diyaaraddaas.

Waxaa dalka Hindiya dhawaanahan kusoo batay, burburka diyaaradaha millatariga iyo kuwa caadiga ah, iyadoo dowladdan ay caan ku tahay garab istaagga maamulka Yahuudda ee xasuuqa iyo gumaadka bahalnimo ku hayo Falastiiyiinta ku nool marinka Qazza.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.