Xukuumadda Mooskoow ayaa saacadihii lasoo dhaafay weerar ku qaadday, magaalada Kyiv ee caasimadda dalka Ukraine iyo gobollo kale oo dhaca Bariga iyo Waqooyiga Ukriane.
Diyaarado Drones ah ayey dowladda Ruushka u adeegsatay duqeymahan, wuxuuna gudoomiyaha magaalada Kyiv sheegay in qeyb kamid ah diyaaradaha Ruushku kusoo weeraray ku dhaceen dhisme aan la deganeyn oo ku yaalla magaalada islamarkaana aysan waxyeello ka dhalan sida uu hadalka udhigay.
Sido kale magaalooyin ay kamid tahay Khaarkeef iyo Donesk ayey ka dhaceen weeraradan, waxaana ka dhashay dab saameeyay goobihi ay ku dhaceen diyaaradaha.
Weerarkan Ruushku ku qaaday Ukraine ayaa kusoo aaddaya xilli dagaallo ay ka socdaan Bariga Ukraine, islamarkaana Trump uu Putin Khadka taleefoonka kula hadlay isagoo doonayo inuu soo afjaro Dirirta udhaxeysa Kyiv iyo Mooskoow.