Wararka laga helayo gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya ayaa tilmaamaya, in halkaasi ay duqeymo ka fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee xukuumadda Adis Ababa.
Warbaahinta gudaha dalka Itoobiya ayaa tabinaysa, in diyaradaha Droneska ee ciidamda Itoobiya ay si bareer ah udqeeyeen dad shacab ah oo ku sugnaa gobalka Amxaarada, kuwaas oo ay gaarsiiyeen khasaare kala duwan.
Ilo xog ugaal ah ayaa sheegey , in isbuucii lasoo dhafay oo kaliya ay ciidamada Itoobiya gobolkaani ku dileen , dadka kabadan 100 ruux , kuwasoo ay u beegsadeen siyaabo kala duwan .
Hay’adaha maxaliga ee dalka ithoobiy ayaa Xukuumadda Adis Ababa ugu baaqay in ay joojiso duqeymaha ay ku beegsanayaan dadka rayidka ah.