Diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ayaa maanta oo Axad ah duqaymo culus ka fuliyay gobollo kala duwan oo ka tirsan dalka Yaman. Warbaahin xiriir dhow la leh kooxda Xuutiyiinta ayaa ku warantay, in duqaymo xooggan lagu beegsaday gobolka Ma’rib ee waqooyi-bari kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Sanca.
Wakaalladda wararka Yaman ee SABA ayaa dhankeeda sheegtay, in diyaaradaha Maraykanka ay dib u soo cusboonaysiiyeen duqeymaha isdaba jooga ah ee ay ku hayaan gobollada Ma’rib, Sacdah iyo Xudeydah. Ilo dhanka amaanka ah ayaa wakaalada u sheegay, in maanta oo kaliya 5 weerar oo dhanka cirka ah lagu qaaday degmada Majzar ee ka tirsan gobalka Ma’rib, halka labo weerar oo kale lagu bartilmaameedsaday deegaanka Ras Ciise ee gobalka Xudeydah.
Wararka ayaa intaas ku daraya, in diyaaradaha Mareykanku ay ku dhawaad 10 weerar oo duqaymo ah ku beegsadeen degmada Xasm oo ka tirsan gobolka Jowf ee waqooyiga Yaman, kuwaas oo gaystay khasaare kala duwan oo naf iyo maalba iskugu jira.
Dhaka kale, kooxda Xuutiyiinta ayaa ku dhawaaqday in ay gantaal balaastig ah la beegsatay dhulka uu maamulka Yahuuddu gumaysiga ku haysto ee Falastiin. Yahuudda ayaana dhankeeda sheegtay in gantaalada laga soo tuuray Yaman kuna sii jeeday aagga magaalada Quddus iyo Baxrul-mayit uu soo gaaray dhulka ay maamulaan inkastoo uusan wax khasaaraa gaysan.
Mareykanka ayaa shalay Sabtidii duqeymo isdaba joog ah ka geystay dalka Yaman, iyadoo diyaaradaha dagaalka ee Mareykanku ay sideed duqeyn ka fuliyeen degmada Khabb ash-Shacaf ee gobolka Jowf, halka saddex weerar ay ka fuliyeen degmada Harf-Sufyaan ee gobolka Amran. Sidoo kale duqeyn diyaaradeed ayay la beegsadeen degmada Bani-Xashiish oo dhanka waqooyi-bari kaga beegan magaalada Sanca.