Sunday, April 20, 2025
HomeAll NewsDiyaaradaha Milliteriga Suudaan oo Duqeeyay Shacab Kunool Gobolka Daarfuur.

Diyaaradaha Milliteriga Suudaan oo Duqeeyay Shacab Kunool Gobolka Daarfuur.

Aroornimadii hore ee shalay, diyaarado ay leeyihiin ciidamada Suudaan ayaa duqeymo la beegsaday mandiqad 55KM ujirta magaalada Al-Faashir ee caasimadda u ah gobolka Daar-Fuur.

Mandiqaddan oo lagu magacaabo Shanqalu Duubaay, ayaa waxay diyaaradaha askarta Suudaan la beegsadeen illaa 8 gentaal, kuwaasoo ku dhacay xaafado dhowr ah oo katirsan magaalada, waxaana ka dhashay dhaawacyo iyo burburka guryo.

Illaa 7 qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay duqeymahan, kuwaasoo loo qaaday isbitaalka Ar-Riifi, waxayna imaaneysa xilli isla todobaadkan gudihiisa ay isla mandiqaddaasi duqeyn ka dhacday.

Dadka ku nool halkaasi oo ay ku jiraan kuwo kasoo barakacay dagaallada ka socda wadanka ayaa argagax hor leh sii qaaday, maadaama ay aamisanaayeen in halkan naftoodu ku badbaadeyso.

Millateriga Suudaan ayaa lagu eedeeyay inuu soo celceliyay duqeymaha uu la beegsanayo mandiqaddan, xilli la sheegay iney deegaankasi RSF kaga sugan yihiin tiro yar oo kamid ah malleeshiyadooda, taasina waxay keentay in mar waliba dadka ugu badan ee dhibaatadu haleesho ay noqdaan rayadka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.