Diyaaradaha Shisheeye ayaa waxa maanta saacadihii lasoo dhaafay duqeymo horleh ka geysteen deegaanno katirsan gobalka Sh-dhexe, halkaas oo dhawaan ay ka dhaceen weeraro xoogga.
Duqeymaha ayaa ka kala dhacay deegaannada Cali-Fooldheere iyo Caadley, waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday 10 ruux, deegaanka Cali-Fooldheere ayayna diyaaraduhu ku beegsadeen Masjid ku yaalla halkaas.