Diyaaradaha Turkiga iyo Masar ayaa maanta ka baaqday kasoo degidda garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo qaarkood iyagoo hawada ku jira dib loo celiyay.
Diyaarad ay leedahay sharikadda duuliyaadyada ee dalk Turkiga ayaa dib ugu noqotay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jabuuti, kadib markii Madaafiic lagu garaacay xerada Xalane oo ah taliska ugu weyn ee ay Shisheeyuhu ku leeyihiin Soomaaliya.
Madaafiicda lagu garaacay Xalane ayaa sababtay, in sharikadaha duulimaadyada ee Dowladaha Turkiga iyo Masar joojiyaan duulimaayadii ay ku imaan jireen magaalada Muqdisho.
Horay waxaa sidaan oo kale duulimaadyadooda u joojiyay diyaaradaha Dowladaha Qadar iyo Turkiga, kadib digniin kasoo baxday Mareykankaa oo sheegeysay in weeraro ay ka dhici karaan magaalada Muqdisho, kuwaas oo beegsan kara xarumaha ay Shisheeyaha iyo Dowladda Fedaraalka ku leeyihiin gobalka Banaadir.
Tan iyo wixii xilligaasi ka dambeeyay, waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay weeraro isugu jira qaraxyo iyo madaafiic lagu beegsaday, xerada Xalane iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Sidoo kale waxaa afaaafka hore ee xarunta Madaxtooyada lagu beegsaday, kolonyo uu la socday madaxweynaha Dowladda Fedaraalka Xasan Sheekh, taas oo sii kordhisay cabsiga ay qabaan Shisheeyaha duullanaka ku jooga dalka.
Tani ayaa keentay iney quus sii galaan hey’adaha duulimaadyada ee Dowladaha Shisheeye, kuwaas oo horraanba uga baqdin qabay iney waxyeello kasoo gaarto weerarada ay fulineyso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shahaab.
Dowladda Fedaraalka ayaa waxaa qudhadeeda heysta walaac xooggan oo ku aaddan, weerarada sii xoogeysanaya ee ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fulinayaan magaalada Muqdisho, waxayna ku fashilantay isku dayo dhowr ah oo ay ku dooneysay iney kaga hortago sidii aysan ubaaqan laheyn duuliyaadyada sharikadaha Shisheeye, balse waa ay ku hungowday arrintaas.
Arrimaha sii kordhinaya walaaca heysta Dowladda Fedaraalka ayaa waxaa kamid ah, muuqaallada soo bandhigaya ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo dhararaarcad weerar madaafiic ah ka fulinaya gudaha magaalada Muqdisho, sidoo kalana ku sugan duleedyada caasimadda, taas oo ay sii dheer tahay warbixinnada ay daabacayaan warbaahinta reer-galbeedka iyo kuwa kale ee caalamiga ah, kuwaas oo sheegaya in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay la wareegi doonto Magaalada Muqdisho.