Iyadoo ay maalmo aad ukooban inooga harsan yihiin munaasabadda Ciidul Adxal Mubaarak, ayaa waxaa diyaargarow xoogan oo la xiriira Ciida laga dareemayaa Suuqa Xoolaha ee Magaalada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe.
Wariyaheenna Maxamed Muudey Abuu Muslim oo booqday Suuqa Xoolaha ee Saakow ayaa warbixintaan inooga diyaariyay, diyaargarowga iyo dhaqdhaaqa ka jira Suuqa Xoolaha ee magaaladaas.