Thursday, June 26, 2025
HomeAll NewsDonald Trump oo Markale Sheegay inuu Weerari Doona Xarumaha Nukliyeerka ee Iiraan.

Donald Trump oo Markale Sheegay inuu Weerari Doona Xarumaha Nukliyeerka ee Iiraan.

Madaxweynaha Mareykanka DDonald Trump ayaa Arbacadii shalay ku goodiyay, in Mareykanka uu qaadi doono weerar cusub oo ka dhan ah Iiraan haddii ay Tehraan isku daydo inay dib u dhisto barnaamijkeeda Nukliyeerka.

Trump ayaa hadalkan sheegay mar uu la hadlayay warfidiyeennada isagoo ka qeyb galayay shir ay yeesheen madaxda isbahaysiga NATO, kaas oo ka dhacay dalka Holland.

Mid kamida Suxufiyiinta ayaana Taraam waydiiyay in uu weerar cusub ku qaadi doono Iiraan hadii ay dib u dhisto xarumaheeda Nukliyeerka, Taraam ayaa si kooban ugu jawaabay, “Xaqiiqdii waan weerari doonaa”.

Hadalka Taraam ayaa daba socday kadib markii sirdoonka Mareykanka ay shaaca ka qaadeen, in weerarada uu Mareykanka ku qaaday seddex xarumood oo Nukliyeer ah todobaadkii hore aysan burburin qeybaha muhiimka ah ee barnaamijka Nukliyeerka ee Iiraan, balse laga yaabaa inay dib u dhigeen dhowr bilood oo kaliya, sida ay warisay shabakadda Ameerikaanka ah ee CNN oo soo xiganeysa seddex ilo xog ogaal ah.

Sidoo kale, warar danbe oo kasoo kala baxay hay’adda sirdoonka ee Mareykanka ee loo soo gabiyo CIA iyo Yahuudda ayaa waxaa lagu sheegay, in barnaamijka Nukliyeerka ee Iiraan ay waxyeello wayna gaarsiiyeen weerarradaas, balse waxa ay isku raaceen in Iiraan ay kasoo kaban karto waxyeelladaas Sanooyinba ha ku qaadatee.

Inkasta oo Trump uu soo dhaweeyay warbixinnadan danbe haddana way ku filnaan wayday, maadaama ay lid ku yihiin sheegashadiisii ahayd inuu gabi ahaan burburiyay oo meesha uu ka saaray barnaamijkeeda Nukliyeerka Iiraan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.