Wednesday, May 14, 2025
HomeAll NewsDood Badan oo ka Dhalatay Isfidinta uu Imaaraatku ka Wado Dekadaha Dalka...

Dood Badan oo ka Dhalatay Isfidinta uu Imaaraatku ka Wado Dekadaha Dalka Masar.[WARBIXIN]

Muran ayaa kasoo cusboonaaday dekadaha dalka Masar, kaas oo ku saabsan balaarinta maalgashiga Imaaraadka, kaddib markii maalmo ka hor lagu dhawaaqay heshiis ay kala saxiixdeen mas’uuliyiin ka socda maamulka Kanaalka Suweys ee Masar iyo shirkado ka socda dalka Imaaraadka Carabta. Tan ayaa keentay in dawladda Masar ay soo saarto bayaanno badan oo ay ku caddaynayso qaabka uu yahay heshiiskan. Ra’iisul Wasaaraha Masar, Mustafa Madbuuli, ayaa ka hadlay nooca uu yahay heshiiska ay la galeen Imaaraadka Carabta.

Sida laga soo xigtay Mustafa, wuxuu sheegay in mashruuca Kiisaad Sharq Buur-Saciid uu yahay mashruuc warshadeed oo u adeegaya ganacsiga dalka ee iskaga kala goosha bariga iyo galbeedka, kaas oo kor u qaadaya adeegyada wax soo saarka iyo saadka. Mustafa wuxuu sidoo kale ka hadlay jahwareerka ku xeeran saxiixa heshiiskan, isagoo sheegay in loo baahan yahay in la kala saaro maamulka Suweys Kanal Athorati iyo maamulka guud ee horumarinta Suweys Kanaal Zoon, wuxuuna sheegay in Labadan dhinacba  ay u shaqeeyaan si madax-bannaan, mid walbana uu leeyahay istaraatiijiyada horumarineed.

Mas’uulkan ayaa intaa ku daray, in heshiiskan uu yahay mid ku saleysan nidaamka horumarinta ee warshadaha, isla markaana uusan ahayn heshiiskii ugu horreeyey ee noocan oo kale ah, maadaama ay jiraan 14 shirkadoo oo hormariya warshadaha oo ka shaqeeya aagga Kanaalka Suweys, isaga oo carrabka ku adkeeyay in arrintan ay uga danleeyihiin mid ay kusoo jiidanayaan maalgashadayaasha caalamka.

Si kastaba ha ahaatee, jawaabaha dowladda Masar ma aysan haqabtirin walaacii ay  shacabka iyo siyaasiyiintu ka qabeen heshiisyadana, gaar ahaan su’aalaha la xiriira dib u cusboonaysiinta qandaraaska marka uu dhammaado kaddib muddo 50 sano ah, iyo sababta ay dowladdu uga dhega-adaygayso heshiisyo ay la gasho shirkadaha Imaaraatka ee maalgashiga ku leh lix ka mid ah 16-ka dekedood ee Masar, taas oo ah tiro aad u badan, gaar ahaan mashaariicda qaar oo aan loo dhamaystirin

Axaddii la soo dhaafay, maamulka guud ee hay’adda Suweys Kanaal Ekonoomik Zoon ayaa heshiis la saxiixday shirkada Dekedaha ee Abu-Dabi, si ay u horumariyaan aagga Kiisaad Sharq Buur-Saciid, iyaga oo qaadanaya 50 sano oo xuquuq faa’iido ah oo dib loo cusboonaysiin karo. Dhulka ay isticmaali doonaan ayaana lagu shegay inay tahay illaa 20 Kiiloomotir oo isku wareeg ah, waxaana maamulka, maalgelinta iyo horumarintiisaba si buuxda u qaadan doona shirkada Abu Dabi Boorti Guruub.

Wajiga koowaad ee mashruucan ayaa dabooli doona 2.8 Kiiloomotir oo isku wareeg ah,  waxaana lagu maalgelin doonaa lacag dhan $120 Millyan oo Doollar, taas oo dabooli doonta daraasaadka farsamada iyo dhismaha kaabayaasha. Dhismaha wejigan koowaad ayaana bilaaban doona dhammaadka sanadkan 2025-ka, iyadoo la dhisi doono 1.5 Kiiloomotir oo loogu talagalay xarumo wax lagu kaydiyo.

Halkaan ka Degso Warbixinta Imaaraatka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.