Monday, April 21, 2025
HomeAll NewsDoon Kalluumeysi oo Lagu Afduubtay Meel u Dhaw Xeebaha Soomaaliya.

Doon Kalluumeysi oo Lagu Afduubtay Meel u Dhaw Xeebaha Soomaaliya.[DHAGEYSO]

Doontaan Kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Yeman ayaa waxaa lagu afduubtay, meel u dhaw xeebaha Soomaaliya.

Doonta ayaa waxa ay ka baxday magaalada Eyl oo ku katirsan gobolka Nugaal ee uu ka arrimiyo maamulka la baxay Puntland.

Howlgalka ciidamada badda Yurub ee mandiqadda loogu yeero Bariga Dhexe ayaa shaaca ka qaaday, iney wadaan baaritaanno ku aaddan afduubkaan.

Sharikadda Amniga Badaha ee Ingariiska ee lagu magacaabo “Ambry” ayaa waxa ay dhankeeda sheegtay, in weerarku uu sababay in la xado saddex doomood oo yar yar oo ay ku rakiban yihiin matoorada doomaha loogu talagalay, kuwaas oo ah kuwo aad u dheereeya.

Halkaan ka Degso Warka Doonta

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.