Thursday, June 26, 2025
HomeAll NewsDowladaha Afrika oo Isku Dayaya Iney ka Maarman Isticmaalka Lacagaha Doollarka.

Dowladaha Afrika oo Isku Dayaya Iney ka Maarman Isticmaalka Lacagaha Doollarka.[WARBIXIN]

Sannadihii u dambeeyay, Afrika waxay goob joog ka ahayd isbeddello dhaqaale oo qoto-dheer, kuwaas oo ka muuqday dadaallo sii kordhaya oo lagu xoojinayo madax-bannaanideeda maaliyadeed iyo in ganacsigeeda laga xoreeyo awoodda lacagaha shisheeye. Dadaalkan ayaa lagu fulinayaa hab lagu taageerayo lacagaha gudaha, inkastoo Mareykanku uu ku goodiyay in cawaaqib xumo ka dhalan karta haddii laga tago doollarkiisa.

Dadaalka Afrika ee ku aaddan hababka lacag-bixinta iyadoo loo marayo lacagta gudaha, oo mar uun  ahaa yididiilo oo kaliya, ayaa ugu dambayntii laga gaaray faa’iidooyin la taaban karo, taas oo muujinaysa ganacsi jaban oo ay heshay qaaraddan, taas oo muddo dheer uu ragaadiyay wax kala iibsiga dollarka dhiig miiradka ah.

Laakinse dadaalada lagu doonayo in lagaga maarmo Doollarka ayaa wajahaya mucaaradad ba’an iyo hanjabaad aargoosi ah oo uga imaanaya dhinaca madaxweynaha Mareykanka Doonal Taraam, kaas oo doonaya inuu Doollarka sii ahaado mid gumaysta ganacsiga caalamka.

Tillaabada Afrika ee ah in la sameeyo habab lacag-bixineed oo aan Doollar ahayn ayaa ka tarjumaysa dadaalka Shiinaha uu ugu jiro horumarinta habab maaliyadeed ee ka madax bannaan hay’adaha reer galbeedka. Wadamada sida Ruushka oo wajahaya cunaqabatayn dhaqaale, ayaa sidoo kale aad u danaynaya inay helaan bedelka lacagta Maraykanka.

Ninka lagu magacaabo Maayik Ogbaaloo, oo ah Maamulaha Nidaamka Lacag-bixinta ee Afrika ayaa yiri “”Haddii aad eegto dhaqaalaha Afrika, waxay ku dhibtoonayaan inay bixiyaan lacago caalami ah oo dibadda ah si ay u xalliyaan wax kala iibsiga”.

Bangiyada ganacsiga ee Afrika waxay caadi ahaan ku tiirsan yihiin dhiggooda dibadda, iyaga oo u maraya waxa loogu yeero “xiriirada bangiyada,” si ay u fududeeyaan xallinta lacagaha caalamiga ah, oo ay ku jiraan lacagaha u dhexeeya dalalka Afrikaanka ee deriska ah.

Tani waxay si weyn u kordhisay kharashka wax kala iibsiga, taas oo ay weheliso arrimo kale sida kaabayaasha gaadiidka oo liita, waana arinta ka dhigaysa ganacsiga Afrika boqolkiiba 50 inuu ka qaalisan yahay celceliska ganacsiga caalamiga ah.

Danyaal Maak-dawiil, oo ah bare wax ka dhiga mid kamida jaamacaha ku yaalla magaalada Niyuu Yook ee waddanka Mareykanka ayaa sheegay, in shabakadda maaliyadeed ee maanta ka jirta Afrika, taas oo aad ugu tiirsan lacagta doollarka, ay noqotay mid waxtarkeedu yaraado, kharash bandanna lagu leeyahay.

Marka loo eego xogta ay soo ururisay PAPSS, oo ah madal taageerto lacag bixinta Afrika, iyadoo la raacayo nidaamka bangiyada hadda jira, waxa lagu qiyaasay kharashka tijaarada gaarayso $200 oo milyan oo u dhexeeyso laba dowladoo Afrikaan ah inta u dhaxaysa 10 illaa 30 boqolkiiba qiimaha wax kala iibsiga.

Halkaan ka Degso Warbixinta Doollarka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.